Tuesday, November 10, 2009

Sheekh Cali Dheere Muxuu ka Yiri Qooraweyne

Afhayeenka Xarakada Alshabaab AlMujaahidiin Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa beeniyey in nin ka tirsana Alshabaab u ku biiray DFKMG

Sheekh Cali Raage oo u waramayey BBC laanta Afka Somaliga ayaa sheegay in Ninkaasi uusan marnaba ka tirsaneyn Xarakada Alshabaab, isaga oo sheegay in arrinkaasi yahay Been la soo dhoob dhoobay

”Horta Awalan waxan ku leeyahay Siciidow Ninkaas, Alshabaab inu ka tirsana iska daaye maqalkiisa waxa nogu horreysay Markay nimankani aay soo dayeen ee Idaacadaha Iyo Sawirkiisa Ay ka soo bixiyeen, Ayaa aragtidiisa iyo Maqalkiisa Iyo Magaciisaba nogu horreysay, Ka tirsanan iska dhaafe maba garaneyno” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere

Sidoo kale Sheekh cali Dheere ayaa sheegay in hadii aysan jirin meel u ka tirsana ninkan aay noqoneyso inu qof walba sheegto meel oo u yiraahdo halkaas ayaan ka tirsana, Sidaa darteedna Ninkan isku Magacaabay Maxamed Sheekh Cabdalla Al Pakistani uusan marnaba ka tirsaneyn Xarakada Alshabaab, Mar la weydiiyey Sheekh Cali Dheere Sidaa u ninkan ku bartay goobaha Iyo Xurumaha Alshabaab, Ayuu sheegay in ninkani yaqaano goobo dadka dhamaan aay wada ogyahiin, isla markana waxyabaha u sheegay aysan aheyn wax qarsoon sidaa u hadalka u dhigay

Sheekh Cali ayaa Sidoo kale sheegay in ninkani u yahay nin aanba la aqoon oo Bulshadu aqoon, isla markana aay khalad tahay in ninkaasi oo kale arrinkiisa la buun buuniyo, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ninkaasi marnaba uusan aheyn nin ka tirsan Alshabaab xiita waxa u sheegay in uusan aheyn nin Maalin maalmaha ka mid ah Xiita la shaqeyey Alshabaab, balse waxa u sheegay in labo arrimood mid aay ku kaliftay kooxaha soo bandhigay midkood

1. Mida kowaad waxay wax kaga raadin De nimanka Gaalada ah ee Reer Galbeedka ah Iyo kuwa la mid ah ee Aay Macaawinada Iyo Kaalmada ka suugayeen oo aay raban inay ku tuugsadan oo aay dhahan Nimanba Shabaab noga soo go’ay, waxbanu ku wodna, ee wax ha naloo soo tuuro, halkana logu soo tuuro cad yar oo balaq ah

2. Mida Labaadna waxa weeye madama aay ciidamadoodii Soo socdaan oo aay soo aadayaan Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin oo intaa aay soo goostan iyaga, hubkooda iska wareejiyan iyaguna aay Beerahooda iska falanayan, oo aay iska tagayan, ayey ciidankii ku celinayan, oo waxay raban inay dhahan Xarakatul Shabaabil Mujaahidiin ayaa laga soo goostay Idiinku jooga ha Aadina lakiin Waxan leenahay waxasi oo dhan waxay la mid tahay nin raba cad-ceeda raba inu Gacan saaro oo u qariyo, Waxba u tari meyso, Marka waxan leenahay Warbaahintana ayaan been loo sheegin, Qolyaha Warbaahintana waxan leenahay illaah uga cabsada arrinkaasi, Indha iyo Dhegaha Waa la is weydiina Qiyaamaha Carabkooda iyo Dhegahooda iyo Indhahooda waxay ku sheegayan iinay aad isaga fiirshan ayaanu kula dar daarmi laheyn, Guuda ahana waxan leenahay, maba ka baqeyno askaari anaga naga tirsana iskaba dhaafe mid anaga gana tirsanan jiray inu qolyaha ku biiro”

Sheekh Cali Maxamud Raage